DHAGEYSO: Afhayeenka AMISOM oo Risaala uga waramay Amarkii Gudoomiye Taabid

Afhayeenka Ciidamada AMISOM, Mr. Joe Kibet oo wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Risaala ayaa ka hadlay Amarkii Gudoomiyaha gobolka Banaadir uu ciidamda AMISOM uga Mamnuucay Wadada makka Al-Mukarama.

Waxaa uu sheegay in aysan jirin wax amar ah oo ay ka warqabaan , islamarkaana Amarka gudoomiyaha ay ku arkeen Baraha Bulshada oo keliya.

Afhayeenka AMISOM ayaa sidoo kale waxaa uu tilamamay in AMISOM aysan qaadan doonin Warar ay ku arkeen Baraha Bulshada .

Waxaa uu sidoo kale Xusay in hadii Amarkaasi gacanta loo geliyo taliyahooda,  ay war kasoo saari doonaan inta ka horaysana ay wadada isticmaali doonaan.