Afhayeenka Ciidamada AMISOM, Mr. Joe Kibet oo wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Risaala ayaa ka hadlay Amarkii Gudoomiyaha gobolka Banaadir uu ciidamda AMISOM uga Mamnuucay Wadada makka Al-Mukarama.
Waxaa uu sheegay in aysan jirin wax amar ah oo ay ka warqabaan , islamarkaana Amarka gudoomiyaha ay ku arkeen Baraha Bulshada oo keliya.
Afhayeenka AMISOM ayaa sidoo kale waxaa uu tilamamay in AMISOM aysan qaadan doonin Warar ay ku arkeen Baraha Bulshada .
Waxaa uu sidoo kale Xusay in hadii Amarkaasi gacanta loo geliyo taliyahooda, ay war kasoo saari doonaan inta ka horaysana ay wadada isticmaali doonaan.

