Messi iyo Coutinho oo ka hadlay arin ku saabsan Andres Iniesta

Xiddiga Barcelona Philippe Coutinho ayaa kala hadlay Lionel Messi wax ku saabsan kabtanka kooxda Andres Iniesta.

Barcelona ayaa Coutinho kaga soo iibsatay kooxda Liverpool bishii lasoo dhaafay lacag 142 milyan oo ginni, waxaana loo arkayaa inuu yahay bedelka saxda ah ee Iniesta.

Xiddiga reer Spain ayaa saxiixay qandaraas muddo dheer ah uu kula joogayo kooxdiisa xilli ciyaareedkan, laakiin 33 jirkaan ayaa la aaminsan yahay inuu kujiro gabagabada xirfadiisa ciyaareed.

Haseyeeshee, Don Balon ayaa sheegeysa in sanadka soo aadan Coutinho uu noqon doono bedelka ugu macquulsan ee kabtan Iniesta.

Barcelona news Lionel Messi Philippe Coutinho

Waxaa la sheegay in Coutinho uu ku faraxsan yahay ka garab ciyaarista xiddiga Iniesta, kaasoo loo arko mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican kooxda Barcelona.

Iniesta ayaa taariikh weyn ka sameeyay kooxda ka dhisan gobolka Catalon tan iyo markii uu kasoo dalacay Akdeemiga Blugrana.

Iyadoo Barcelona ay ugu cadcadahay hanashada horyaalka La Liga, islamarkaana weli ay kujirto tartan Champions League, Don Balon ayaa sheegtay in Coutinho uu ka careysan yahay in markasta lagu bedelo Iniesta.

Waxaa lagu soo waramayaa in riyada xiddiga  reer Brazil ay tahay inuu ka garab ciyaaro 33 jirkaan, isagoo kala hadlay Messi sidii ay taas ku dhici laheyd.