Gareth Bale ayaan ku biiri doonin kooxda Manchester United inta uu macalin u yahay tababare Jose Mourinho oo uu u arkayo shaqsi aan guulo ku gaarsiin Karin Old Trafford.
Xiddiga Real Madrid Bale ayaa si aad ah loola xiriirinayay xagaagan Manchester United kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya inuu soo idlaadahy mustaqbalkiisa Spain.
Ciyaaryahanka reer Wales ayaa dhawaan kasoo laabtay dhaawac soo gaaray dhamaadka xilli ciyaareedkii hore.
Real Madrid ayaa la rajeynayaa inay suuqa dhigto Bale, Cristiano Ronaldo iyo Karim Benzema kadib qaab ciyaareed xun oo ay kujirto kooxda.
Laakiin bogga Don Balon ayaa lagu sheegay maanta in United aysan u dhaqaaqi doonin xiddigii hore ee Tottenham sabab la xiriirta tababare Jose Mourinho.
Red Devils ayaa Bale ka dhigatay bartilmaameedkooda ugu sarreeya bisha August, laakiin heshiiska labada dhinac ayaa fashilmay waqti dambe.
Xilli ciyaareedkii hore waxa uu ahaa xilli ciyaareed xiiso leh oo la sugayay ciyaaryahanka, iyadoo da’yarka Real Madrid Marco Asensio uu qaab ciyaareed wanaagsan kujiray.
Mourinho ayaa sidoo kale qaaday talaabo aan caadi aheyn oo ka hor istaagi karta Bale inuu hamiyo Manchester United kadib markii uu Arsenal kala soo wareegay Sanchez.


