Maxweynaha oo xilka ka qaaday gudoomiyaha maxkamadda Sare

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ka qaaday gudoomiyaha Maxkamadda sare Caydiid  Cabdullaahi ilka-Xanaf.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo warbaahinta kula hadlay muqdisho ayaa sheegay in xilka laga qaaday gudoomiyaha maxkamadda sare dalka waxuna Madaxweynuhu xilkaas u magacabay Dr. Ibraahim Iidle Suleymaan.

Xil ka qaadistan ayaa ku soo aadeysa, waqti lagu guda jiro xilli kala guur ah, isla markaana Dowladda Federaalka ay muddo saddex bilood waqtigeeda u harsan yahay.

Dhankale madaxweynaha Soomaaliya ayaa xilka ka qaaday gudoomiyaha maxakamada racfaanka mudane Xasan Cali Wirii iyadoona xilkaas uu sii heyn doono ku xigeenkiisa.