DHAGEYSO: Wasiirka Haweenka Puntland oo ka hadashay Safar ay ku tagtay degmada Taleex

Wafdi ka socda maamulka Puntland ayaa shalay  gaaray degmada Taleex oo ka tirsan gobolka Sool ,waxaana halkaas kusoo dhaweeyey dad weyne aad u faradan oo ay kujiraan maamulka degmada taleex ee gobolka Sool.

Wafdi ayaa waxaa ka mid  ahaa wasiirka wasaarada wasaarada haweenka maamulka Puntland, waxgaradka gobolka Sool iyo sidoo kale madax ka socotay hey’adaha gar gaarka.

Wasiirka Haweenka Aniso Xaaji Muumin ayaa sheegtay inay ka mahad celinayso sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyay magalada, waxa kale ay tilmaamtay inay ka go’an tahay sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha haweenka ee Taleex, maadama wasaraddu ay u addeegto dadka jilicsan sida haweenka iyo carruurta.

wasiirka wasaarada haweenka maamulka puntland ayaa ka dayrisay xaalada nololeed ee dalka kunool magaalada Taleex.