Maxkamadeynta Dhalinyaro Soomaaliyeed oo weli ka socota Mareykanka

Mareykanka-RisaalaFM- Waxaa maalintii 14-aad maxkamad ku taal gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ka socota dhageysiga dacwad ciqaabeed loo heysto dhalinyaro Soomaali ah oo lagu eedeeyay in ay doonayeen in ay ku biiraan ururka Daacish ee ka dagaalanta dalalka Bariga Dhexe.

Maxkamadda ayaa shalay waxa ay su’aalo weydiisay C/risaaq Warsame oo saaxiib la ahaa sadaxda dhalinyaro ee haatan loo fadhiyo dhageysiga dacwad ciqaabeedkooda, waxa uuna C/risaaq qiray in saaxiibadiis ay qorsheynayeen in ay u ambabaxaaxn dalka Syria, si ay uga qeyb qaataan dagaal diimeedka dadka lagu qalday ee ka socdo gudha dalka Syria, waxaase hadalladaasi gaashaanka u daruuray waalidiinta dhashay sadaxda dhalinyaro oo sheegtay in arinkaasi uu yahay waxba kama jiraan.

Dhageysiga dacwada ayaa saakay ku bilaabatey su’aalo ay dowladu weydiineysey sarkaal ka tirsan heyada FBI xafiiskeeda San Diego, California.

Sarkaalkan oo ka mid ahaa ciidamadii soo xirey Mohamed Farah iyo Abdirahman Daud xili ay qaadanayeen Baasabooro Canadian ah oo la been abuurey. Sarkaalkan ayaa sheegey in ay xariga la sugayeen ilaa inta ay baasaboorada gacanta ku dhigayeen.

Sidoo kale, maxkamada ayaa dhageysatey caddeymo uu bixinayey sarkaal kale oo ka tirsan hey’adda FBI oo ah nin iska dhigayey qof baasaboorada iibiya. Sarkaalkan ayaa ka sheekeeyey shaqadisii labada dhinac aheyd ee uu u hayey FBI iyo wiilashan oo uu iskaga dhigaayey nin iibiya baasaboorada been abuurka ah.

Baasaboorada ayaa sidoo kale la keeney maxkamada iyadoo ay ku dhegen yihiin sawirrada Abdirahman Da’ud iyo Mohamed Farah, balse magacyo kale lagu qorey, taasoo la isla ogaa in lau qoro.

Sarkaalkan maanta marqaatiga furayey ayaa sheegey inuu Abdirahman Da’ud oo ah wiilka dacwada loo heysto uu u dhiibey lacag dhan Shan kun oo Dollar si ay ugu kaashadaan safarkooda ay ku aadi lahaayeen Syria.

Maxkamada ayaa sidoo kale loo aqriyey wadasheekeysi dhex marey sarkaalkan ka tirsan heyada FBI iyo qaar ka mida dhalinyaradan.

Sikastaba ha ahaatee, maxkamada federaalka gobolka Minnesota ayaa waxa ay maanta bilowday dhageysiga dacwad ciqaabeedkii loo heystay Maxamed Cabdixamiid Faarax, C/raxmaan Yaasiin Daa’uud iyo Guuleed Cali Cumar oo doonayey in ay ku biiraan kooxda Daacish islamarkaana uu ku marqaati furay C/risaaq Warsame oo saaxiib la ahaa sadaxda eedeeysane.