Hoggaamiyihii Al-Qaacida ee Yemen ayaa geeriyooday, waxaa sidaas ku dhowaaqay Saraakiisha Al-Qacida ee dalka Yemen, ayada oo aan bixin wax faah-faahin ah.
Khalid al-Batarfi ayaa waxaa madaxiisa dul saarnaa abaal-marin ah $5 milyan, oo uu ballan-qaaday Mareykanka, sababo la xiriira hoggaamintiisa Al-Qacidada Jasiirad u yaalka Carbeed.
Inkasta oo la rumeysan yahay in sanadihii dhowaa ay daciiftay sababo la xiriira dagaal dhexdeeda ah iyo duqeymo diyaaradeed oo Mareykanka uu ku dilay dhowr ka mid ah hoggaankeeda, haddana kooxdan oo loo yaqaan AQAP ayaa loo arkaa laanta ugu halista badan ee Al-Qacida.
Al-Qaacida ayaa sii daysay muuqaal muujinaya al-Batarfi oo ay ku duuban tahay karfan cad iyo calanka madowga iyo caddaanka ah ee kooxda.
Al-Qacida ayaan shaacin sababta dhimashadiisa, mana jirin wax calaamad dhaawac oo laga arki karay wejigiisa. Al-Batarfi ayaa la rumeysan yahay inuu ku jiray da’da 40 maadka.
Sidoo kale Al-Qaacida ayaa geerida Al-Batarfi ku dhowaaqday habeenkii koowaad ee Ramadanka,uu ka bilowday dalka Yemen iyo caalamka Islaamka.
Al-Batarfi ayaa la wareegay hoggaanka Al-Qaacida ee Yemen bishii Febraayo ee 2020. Waxa uu beddelay Qassim al-Rimi oo lagu dilay oo weerar drone ah ay fuliyeen ciidamada Mareykanka, kaasi oo uu amray madaxweynihii xilligaas Donald Trump.