Home Wararka Maxay ka wada hadleen xildhibaanada Kenya ka socday iyo Koonfur Galbeed ?

Maxay ka wada hadleen xildhibaanada Kenya ka socday iyo Koonfur Galbeed ?

SHARE

Beydhabo-RisaalaFM- Wafdi ka socda baarlamanka dowlada Kenya oo ka kooban saddex xildhibaan ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Beydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Wafdigan ayaa booqday goobo ka mid ah magaalada Beydhabo, Xarumaha uu ku shaqeeyo maamulka Koofur  Galbeed Soomaaliya.

Waxaana ay kulamo la qaateen madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed.

Xildhibaanada waxaa ka mid ah Ilyaas Barre Shiil oo laga soo doorto gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Kulanka marka uu soo idlaaday ayaa waxaa warbaahinta la hadlay wasiirka warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed, waxaana uu faah faahin ka bixiyay kulanka ay xildhibaanada dowladda Kenya la qaateen maamulka Koonfur Galbeed.

Wasiirka Warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in Labada dhinac ay kawada hadleen sidii ciidamada maamulka Koonfur Galbeed dib udhis loogu sameyn lahaa iyo arimo kale.