Maxay ka wada hadleen Wasiir Beyle & safiirka Sweden ee Soomaaliya

Siihayaha Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xildhibaan Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Maanta Xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee Muqdisho waxaa uu ku qaabilay Dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya Staffan Tillander.

Kulan gaar ah oo ay yeesheen labada mas’uul ayaa waxaa ay uga wada hadleen Arrimo ay kamid ahaayeen isbadalka Maaliyadda iyo taageerada ay siiso Dowladda Federal ka Soomaaliya, sida uu sheegay Wasiir Beyle.

“Waxaa maanta Xarunta W.Maaliyadda nagu soo booqday Safiirka Dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya Mudane Staffan Tillander oo aan ka wada hadalnay isbadalka Maaliyadda iyo taageerada ay siiso Dowladda Federal ka Soomaaliya ayuu yiri” Wasiir Beyle.

Dowladda Sweden ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha taageerada siiya Soomaaliya, waxaana inta badan Safiirkooda uu la kulmaa Madaxda kala duwan ee dowladda, isaga oo kala hadla arrimaha taageerada Soomaaliya.