Khasaaro ka dhashay qarax ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Qaraxaan oo ahaa miinaca nooca dhulka lagu Aaso ayaa waxaa lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya, waxaana ka dhashay khasaaro isgu jira dhimasho iyo dhaawac.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa lala eegtay Gaadiid ay wateen Ciidamada dowladda, xilli ay marayeen inta u dhaxeysa degaanka Biya Cadde iyo degmada Ceelbaraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxaasi ay ku dhinteen afar Askari oo ka tirsan Ciidamada halka tiro kale ay ku dhaawacmeen, waxana la sheegay in Ciidamada qaraxa lagu weeraray ay ka yimaadeen dhinaca degmada Jalalaqsi kuna soo wajahnaayeen Magaalada Muqdisho.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee ka howlgalla Gobolka Shabeellaha Dhexe weli kama hadlin qaraxaas, waxana la sheegay in Ciidamada ay socdaalkooda sii wateen, isla markaana ay howlgallo ka sameeyeen wadada xiriirisa degaanka Biya Cadde iyo degmada Ceelbaraf.

Qaraxyada Miino ee lala beegsanayo Gaadiidka ay wataan ciidamada dowladda ayaa kusoo batay gobolada dalka, waxaana maalmo ka hor ay aheyd markii degaano ka tirsan Gobolada labada Shabeelle qaraxyo ka dhacay ay waxyeelo kasoo gaartay Askar ka tirsan Ciidamada Dowladda.