Bosaaso-RisaalaFM- Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.
C/wali Gaas oo safar shaqo 4 maalmood qatay ugu maqnaa magaalada Abu-dhabi ee xaruntka Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.
Madaxweynha Iyo wfdigiisa ayaa markii ay gaareen garoonka Diyaaradaha Boosaaso waxaa loo galbiyey qolka nasashada halkaasi oo uu madaxweynuhu kula hadlay warbaahinta kala duwan.
Madaxweyne C/wali Maxamed Cali Gaas oo ka warbixiyey safarkii sahqo ee uu ku tagay wadamada Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in safarkaasi ku soo gaba gaboobay guul iyo is afgarad.
“kulamadii aan la yeelanay madaxdii aan la kulananay waxay ahaayeen kuwo ku saabsanaa adkaynta amniga, xoojinta xidhiidhka siyaasadeed ee u dhaxeeya Puntland iyo UAE iyo kobcinta ganacsiga iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee Puntland.” ayuu yiri Madaxweyne Gaas.