Deg Deg: Askari Dil ka geystay Magaalada Jowhar

Jowhar-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in Askari ka tirsan dowladda Soomaaliya uu Dil ugeystay Qof shacab ah.

Dilka ayaa la sheegay in uu yimid kadib markii Askariga iyo Ninka la dilay uu soo kala dhex galay muran sidaaasina Askariga uu rasaas ugu furay.

Dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in Ninka la dilay uu caan ka ahaa magaalada Jowhar.

Maamulka Magaalada Jowhar ayaa waxa ay sheegeen in gacanta lagu dhigay Askariga dilka geystay sharcigana la horgeyn doono.

Xaalada goobta uu dilka ka dhacay ayaa hada waxa ay tahay mid degan, iyadoo shacabka Magaalada Jowhar ay walaac badan ka mujiyeen dilka maanta ka dhacay magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.