Maxaa saakay ka cusub Dac-dheer

Xaalada deegaanka Dac-dheer oo ka tirsan gobolka Galgaduud ayaa saakay dagan ka dib markii shalay ay ku dagaalameen dad xoolo dhaqataa iyo ciidanka Liyuu boolis .

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa idaacadda Risaala u xaqiijiyay in ku dhawaad tirada dhimashada ay marayso 10 ruux dhaawacana intaas ka badan yahay islamarkaana ay saakay xaaladu dagan

Waxgaradka labada dhinac ayaa wada qorsho la doonaayo in lagu hakiyo dagaalka,

Dagaalka ayaa salka ku haya ka dib markii Ciidamada Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ay Amreen in Dadka Shacabka ah ay ka Guuraan Dacdheer.

Dadka kudhaawacmay dagaalka ayaa la kala gaarsiiyay magaalooyinka Gelinsoor Dhabad iyo Cadaado Waxaana laga cabsi qabaa in markale dagaalka dib u qarxo.