Xaalada Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa saaka si weyn u degan , waxaana xalay Magaalada laga maqlin wax rasaas oo ay ridaayeen ciidamada maamulada Puntland iyo Galmudug oo ku sugan Galbeedka Magaalada Gaalkacyo.
Madaxda maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa shalay heshiis ku wada gaaray Magaalada Gaalkacyo , waxaana heshiiskaasi qodobada lagu heshiiyay ka mid ahaa in xabad joojin rasmi ah laga hirgaliyo Magaalada Gaalkacyo.
Wariyeyaasha ku sugan Magaalada Gaalkacyo ayaa saaka soo sheegaya in jawiga Magaalada uu yahay mid degan , islamarkaana maamulada Puntland iyo Galmudug waxgaradkoodu ay ku baaqayaan in la hirgeliyo heshiiskii lagu wada gaaray Magaalada Gaalkacyo shalay.
Ciidamada mamulada Puntland iyo Galmudug ayaa wali isku horfadhiya Galbeed Magaalada Gaalkacyo.


