Wasaaradda arrimaha dibadda ee Iiraan ayaa sheegtay in dalkeedu u furan yahay wadahadal toos ah oo uu la yeesho Sacuudi Carabiya, kadib markii ay warbaahintu qortay in labada dal ee gobolka ku loolamaya ay dhawaan wadahadallo qarsoodi ah ku yeesheen caasimadda Ciraaq ee Baqdaad.
Afayeenka wasaarada arimaha dibada Iran Saciid Khatibzadeh ayaa isniinta maanta ah diiday inuu xaqiijiyo ama beeniyo wadahadalada la sheegay ee 9-kii Bishaan Abriil ka dhacay Baqdaad, laakiin wuxuu intaas ku daray in warbaahinta ay adeegsadeen “xigashooyin is burinaya” ayna leeyihiin taariikh been abuur ah, isaga oo tixraacaya warbixinada ka soo baxa London ee Financial Times iyo Reuters.
Khatibzadeh, wuxuu tilmaamay in Iran “ay had iyo jeer soo dhaweyneyso wadahadalada Boqortooyada Sacuudiga, taasi oo ay u arkaan mid faa’iido u leh dadka labada dal, nabadda iyo xasiloonida gobolka.
Labada dal ma lahayn xiriir diblomaasiyadeed oo rasmi ah tan iyo bishii Janaayo ee sanadkii 2016-kii, markii safaaradda Sacuudi Carabiya ee Tehran la weerarey, ka dib markii hoggaamiye caan ah oo Shiica Muslim ah ay dileen Riyadh.
Sida ay sheegeen warbixino ay qoreen Financial Times iyo Reuters, saraakiisha Iran iyo Sucuudiga ayaa wadahadalo toos ah yeeshay 9-kii Abriil si ay uga wada hadlaan dagaalka Yemen, halkaas oo xulafada militariga ee uu hogaaminayo Sacuudi Carabiya ay kula dagaalamayaan fallaagada Xuutiyiinta ee Iiraan taabacsan tan iyo bishii Maarso 2015-kii.
Wadahadalada ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa in ay ku jirto Lubnaan oo qalalaase siyaasadeed iyo mid dhaqaale ka jirto, halkaas oo dowladaha Carabtu ay ka walaacsan yihiin saameynta dhaqdhaqaaqa Xisbullah ee Iran taageerto.
Ilo-wareedyo aan la magacaabin oo ka socda Iran iyo Sacuudi Carabiya ayaa beeniyay in wadahadal lagu qabtay Ciraaq.
Kulankan la soo tabiyay ayaa yimid waxyar ka dib markii Raiisel Wasaaraha Ciraaq Mustafa al-Kadhimi uu u safray Sacuudi Carabiya si uu wadahadal ula yeesho hoggaankiisa sare, oo uu ku jiro Dhaxalsuge Amiir Maxamed bin Salmaan. Al-Kadhimi wuxuu sidoo kale booqday Isutaga Imaaraatka Carabta oocadaw kale u arka Iiraan.
Ciraaq waxay xiriir dhow la leedahay dalka ay deriska yihiin ee Iran, wufuud badan oo heer sare ah oo siyaasadeed ayaa u safray Tehran si ay ugala hadlaan gobolka bilihii la soo dhaafay.
Warbixinta wada hadalada tooska ah ee Iran iyo Saudi Arabia ayaa sidoo kale imaaneysa iyada oo Iran iyo quwadaha aduunka ay todobaadyo ay leeyihiin wadahadalo ka socda Vienna si loo soo celiyo Qorshaha Wadajirka ah ee Waxqabadka iyo heshiiska Nukliyeerka ee taariikhiga ah ee dalka Iiraan.
Iran ayaa ku eedeysay Golaha Iskaashiga Khaliijka ee loo soo gaabiyo GCC oo uu hogaamiyo Sacuudiga, kuwaa isku dayayabey tiri carqaladeeyn wadahadalada ah, hadii lagu guuleystane ay arki doonaan cunaqabateyn adag oo Mareykanka uga timaada.
Dowladaha GCC waxay si isdaba joog ah u sheegeen inay rabaan in lagu daro wadahadalada waxayna ku baaqeen balaarinta JCPOA si loo xakameeyo barnaamijka gantaalaha Iran iyo saameynta gobolka ee ku sii kordheysa.



