Waxaa saacado badan kadib soo dhammaaday wareegii labaad ee wadahadalada ka socday xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, kaasi oo u dhexeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Golaha Mustaqbalka ee mucaaradka, isagoo markale natiijo la’aan ku soo idlaaday.
Shirkan ayaa diiradda lagu saaray arrimaha muranka adag uu ka taagan yahay ee doorashada dalka, dastuurka iyo xaaladda siyaasadeed ee guud.
Intii uu shirka socday, waxaa goobta ka baxay xubnaha beesha caalamka, kadibna labada dhinac ayaa galay dood adag oo si weyn loogu kala aragti duwan yahay qodobada muhiimka ah.
Ilo ku dhow shirka ayaa sheegaya in labada dhinac aysan weli ku heshiin nooca doorasho ee dalka laga qabanayo, waxaana ay ku balameen in galabta mar kale la isugu soo laabto si loo sii wado wada-hadallada.
Beesha caalamka ayaa la sheegay inay cadaadis xooggan saarayaan dhinacyada, iyagoo ku boorinaya inay si degdeg ah u gaaraan heshiis doorasho oo lagu wada qanacsan yahay.
Si kastaba ha ahaatee, rajo badan lagama qabo in si degdeg ah heshiis looga gaaro arrimaha adag sida doorashada, muddo xileedka Madaxweynaha iyo dastuurka dalka.
Wareeg saddexaad oo wadahadallo ah ayaa la filayaa in uu galabta dib u furmo, iyadoo labada dhinac ay haatan u kala tageen la-tashi ay la yeelanayaan saaxiibadooda siyaasadeed.
Wixii ku soo kordha la soco.



