Maxaa looga hadlay kulanka Golaha Wasiirada XFS?

Golaha Wasiirrada Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa looga hadlay guushii taariikhiga ahayd ee qaadista cuna-qabateynta hubka, amniga dalka, la-dagaalanka maalgelinta waxa loogu yeero argagixisada , lacag dhaqidda iyo roobabka daadadka wata ee ka da’aya dalka.

Golaha Wasiirrada ayaa soo dhaweeyey go’aankii taariikhiga ahaa ee Golaha ammaanka ee Qaramada midoobay ay cuna-qabataynta hubka  ee saarnayd muddo 31 sano ah uga qaadeen dalkeenna,  taas oo fursad u siineysa Soomaaliya in ay xaqiijiso ammaankeeda, iyo  la dagaalanka Alshabaab.

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xariira  amniga guud ee dalka iyo u diyaar garowga wajiga labaad ee dagaalka  ka dhanka ah Alshabaab .

Kulanka Golaha  Wasiirada  ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno dhowr ah oo ay kamid yihiin saameynta roobabka daadadka wata ay ku yeesheen dalka iyo qiimeynta Qaran ee u diyaarsanaanta iyo la-dagaalanka maalgelinta argagixisada iyo lacag dhaqidda.