Maxaa ka jira in xilka laga qaaday Madaxa Xukuumadda Galmudug?

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa beeniyay warar Saacaddihii lasoo dhaafay qabsaday Baraha Bulshadda,kuwaasoo ku aadana in Madaxweyne Xaaf uu xilka ka qaaday Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir .

War kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Xaaf ayaa si weyn loogu beeniyay in xilka laga qaaday Madaxa Golaha Wasiiradda Galmudug oo ka mid ah shaqsiyaadka ugu awooda badan maamulka Galmudug ee fadhigiiso uu yahay Magaalada Dhuusamareeb.

“Ma jiraan wax xil ka qaadis ah waana been abuur waxa jira qolyo isku dayaya in ay qalqal galiyaan Galmudug balse waan la xisaabtami doona dadka doonaya in ay fidnada iyo qalqalka ka dhax abuuran Galmudug mana aqbali doona in sidaa daciifka ah looga faa’iideysto in qalqal la galiyo jiritaanka iyo masiirka Reer Galmudug” ayaa lagu yiri War kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Xaaf.