Kooxda Kubada Cagta Ee Chelsea ayaa ku raad joogta qaabki kula soo saxiixan lahaayeen weerar yahan ka samata bixin kara dhibaatada kooxdooda ka heesata dhanka dhaliska.
Alvaro Morata ayaa la rajeynayaa in uu ku biiro kooxda Atletico Madrid tasoo aad u daneeneysa inay gacanta ku soo dhigaan xidiga reer Spanish.
Eden Hazard ayaa xidiga ugu goolasha badan kooxda Chelsea Xilli ciyaareedkaa kasoo dhaliyay 10-gool, Wiilka belgium-ka ma ahan xidig weerarka tooska ah ka ciyaara hadana dadaalo badan ayuu ugu jiraa qaabki uu guulo ku gaarsiin lahaa kooxdiisa halka Weerar yahanada kooxda Blues ay gabeen shqadooda iyo waajibkii dhaliska ka saaranaa.
Kooxda Blues Ayaa haatan Nidaam cusub U dajineysa inay Costa Dib ugu soo Celiyaan Garoon Bridge Kasoo 2-sano ka hor si caro leh kaga tagay kadib markii ay isku dhaceen macalinkii la ceyriyay ee Conte.



