Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ay wehliyaan Wasiirka Wasaaradda Cadaalada & Dastuurka XFS, Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS, Guddoomiye Kuxigeenka Amniga & Siyaasadda G/Banaadir iyo Taliyeyaasha Laamaha Amniga ayaa kulan afur wadareed ah kaga qeyb galay duleedka Degmada Dayniile ee Magaalada Muqdisho.
Madaxda Maamulka Gobolka Banaadir, xubnaha Wasiirada iyo Saraakiisha Amniga ayaa kormeer ku sameeyay qeybo ka mid ah Degmada Dayniile, si ay ugu kuur-galaan xaaladaha Amniga iyo midka nololeed, iyagoona shacabka ku amaanay sida ay ugu heelan yihiin la-shaqeynta laamaha Amniga, waxa ayna ugu baaqeen in la dar-dargeliyo sugida Amniga si loogu hortago weerarada Al-Shabaab.



