Taliye lagu dhaawacay Boosaaso

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in Taliyaha Maxkamada Darajada koowaad ee Gobolka Bari Maxamed Cali Saleeban  ay Caawa weerareen Kooxo hubeysan.

Taliyaha ayaa waxaa soo gaaray dhaawac fudud, waxaana lagu dabiibayaa Isbitaalka Magaalada Boosaaso.

kooxo Bastoolado watay ayaa taliyaha Xabado ku furay, waxaana la sheegay in xabadahaasi taliyaha uu kasoo gaaray dhaawac fudud.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska gobolka Bari ayaa Risaala u sheegay in taliyaha uu ka badbaaday falkaasi lagu dili rabay.