Massimiliano Allegri oo aqbalay shaqada Chelsea

Tababaraha kooxda Juventus Massimiliano Allegri ayaa lagu soo waramayaa inuu rabo shaqada Stamford Bridge sida uu aaminsan yahay tababarihii hore ee caanka ahaa Giovanni Galeone,

Kooxda Roman Abramovich ayaa si weyn loola xiriirinayaa Massimiliano Allegri oo ka tagi doona Juventus si uu ugu warego Chelsea dhamaadka xilli ciyaareedkan, sida laga soo xigtay tababarihii hore ee Italia Giovanni Galeone,

Tababaraha Talyaaniga ayaa ku guuleystay horyaalka Serie A isagoo kusugan AC Milan iyo Juve, waxaana uu beegsanaa inuu markii sadeexd oo xirirr ah uu ku guuleysto Serie A,xili kooxdiisa ay badisay 14 kulan oo xiriir ah.

Allegri ayaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Chelsea si uu u badelo Guus Hiddink dhamaadka xilli ciyaareedkanwaxaana heshiiskiisa Juventus uu ku egyahay 2017.