Mario Balotelli oo laga yaabo in Milan ay si joogto ah ula wareegaan

Silvio Berlusconi ayaa sheegay in Milan laga yaabo “inay si joogta ah ula wareegaan Mario Balotelli.

Weeraryahanka Rossoneri ayaa qaab amah ah ugu soo laabtay kooxda isagoo ka yimid Liverpool xagaagan, laakiin waxa uu saftay kaliya labo kulan oo Serie A ilaa iyo haatan waxaana uu la dagaalamaya adhawac.

“Waxaan Isaga ka fakireynaa inaan toos ula saxiixanaa ,Waxay ku xiran tahay isaga, “iyo qaabka uu kooxda ula shaqeeyo ayuu Madaxweyne Berlusconi ayuu u sheegay Italia 7 Gold.

“Waxa uu leeyahay tayada farsamo ee jir ahaaneed,  lakiin marka la eego dhaqankiisa naftiisa ayaa ah mid adag.

Berlusconi ayaa dhanka kale sheegay in ujeedada ugu weyn Milan xaggaan uu yahay  Coppa Italia sidii ay ugu guuleysan lahaayeebn