Milatariga Maraykanka ayaa sheegay in afar duqaymood oo cusub ay ka gaysteen Soomaaliya 23-kii bishan Febraayo.
Marayanku waxa uu sheegay in laba ka mid ah afarta duqyamood ay ka dhaceen nawaaxiga Kuunyo Barrow, halka duqayn kale ay ka dhacday agagaarka Jannaale, tan afraadna Awdheegle.
Maraykanku waxa uu sheegay in laba ka tirsan Al-Shabab lagu dilay weerarrada, isla markaana lagu burburiyey baro kontorool iyo adeegyo kale oo Al-Shabab ay canshuuraha ku qaataan.
Dhinaca kalena, Al-Shabab ayaa sheegtay in saddex qof oo rayid ah ay ku dhinteen duqaynta ka dhacday Kunyo Barrow, hase yeeshee milatariga Maraykanku waxay dhinacooda sheegeen in dad rayid ahi aanay ku dhiman kuna dhaawacmin weerarkan.


