Mareykanka oo Muwaadiniinta uga digay in ay u Safraan xadka Kenya iyo Soomaaliya

Dowladda Mareykanka ayaa Muwaadiniinteeda uga digtay in ay u Safraan dalka Kenya Sababo la xariira dhanka Ammaanka iyo sidoo kale Caafimaadka.

War kasoo baxay Safaaradda Nairobi ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in dhammaan Muwaadiniinta looga digayo sidoo kale in ay u safraan xadka Kenya iyo Soomaaliya,maadaama ay sheegeen in halkaasi Afduubka Al-Shabaab uu ku badan yahay.

Dowladda Mareykanka ayaa sababta ku sheegtay  inay kordheen dambiyada abaabulan ee argagixisannimada, arrimaha caafimaadka, iyo afduubka.

Dowladda Maraykanka waxay tilmaamtay in Xarumaha Caafimaadka Ka Hortagga Cudurrada (CDC) ay ka deyiyeen xaaladda caafimaadka oo ay sabab u tahay markii Kenya qaaday xayiraadii lagu xakameynayay faafitaanka Covid19.

“Sababo la xiriira argagixisannimada awgeed, shaqaalaha dowladda Mareykanka ayaa laga mamnuucay inay u safraan gobollada xudduudda Kenya iyo Soomaaliya iyo meelaha xeebaha qaarkood” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay safaaradda Maraykanka ee Kenya.