Mareykan-RisaalaFM- Dowladda Mareykanka ayaa gacanta ku dhigtay Haweeney la sheegay in ay lacago usoo diri jirtay Al-shabaabka ka dagaalama Soomaaliya.
Haweeneydan ayaa magaceeda lagu sheegay Hinda Osman Dhirane oo 44 sano jir ah, waxaana laga soo qabtay gurigeeda oo ku yaala degmada Kent ee magaalada Washington.
Haweeneydan ayaa Maxkamadeynteeda waxa ay bilaabatay 11-ka July 2016, waxaana ay ka bilaabatay Bariga Virginia ee dalka Mareykanka, iyadoo Maxkamadda horteeda ka hor qiratay in ay Lacago udiri jirtay Al-shabaabka ka dagaalama Soomaaliya.
Maxkamadda la soo taagay Haweeneydan ee ku taala dalka Mareykanka ayaa sheegtay in Bishii July 2014-kii ay Hinda Osman Dhirane oo 44 sano jir ah ay $100 kun oo Dollar udirtay Shabaabka Soomaaliya.
Sidoo kale diiwaanka Maxkamadda ayaa waxaa laga soo xigtay in Muna Cismaan Jaamac iyo Hinda Osman Dhirane oo ku nool Mareykanka ay ahaayeen Madaxda shirqoolka uqaabilsan Al-shabaab dalka Mareykanka, sidoo kalena Bilkasta ay iska uruurin jireen Lacago badan kuwaas oo ay udiri jireen Al-shabaab.
Warbixintan ayaa ugu dambeyn waxaa lagu sheegay in ciidamada Mareynkanka ee ku sugan Soomaaliya ay fuliyeen weeraro dhanka cirka ah sanadihii ugu dambeeyay, kuwaas oo ay sheegeen in ay ku dileen 150 Dagaalyahan oo ka tirsan Shabaab.


