Mareykanka oo beeniyay in diplomaasiyiintiisa uu kala baxay Muqdisho.

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa been-abuur ku tilmaantay war laga soo xigtay wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamud Caydiid Dirir oo sheegaya in Mareykanku Diblomaasiyiintiisa muhiimka ahaa uu kala baxay caasimadda Muqdisho xaalad amni iyo AS darteed.

Qoraal ay soo saartay safaaradda Mareykanka oo uu ka dhex muuqday war laga qoray iyo sawirka Wasiir Ceydiid ayaa ayay ku beeniyay jiritaanka warkaasi.

“Waa been-abuur Warbixinaha u danbeeyay ee sheegaya in safaaradda Mareykanka ee Muqdisho bilowday in ay la baxdo shaqaalaha muhiimka ah” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo soo baxay maalin kaddib markii wasiirka Warfaafinta Puntland laga soo xigtay warka bixitaanka.

Sabtidii Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay in Mareykanku badi diblomaasiyiintii iyo shaqaalihii muhiimka ahaa kala baxay magaalada Muqdisho, kaddib markii mileeshiyaadka Argagixisada ah soo galeen degmada Balcad ee gobolka Shabeellada dhexe.