Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa fuliyay duqeymo xaga cirka ah oo ka dhan ah kooxda xuutiyiinta ee fadhigoodu yahay dalka Yemen.
Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa sheegay in weerarkaasi ay soo agaasimeen Washington iyo xulafadiisa si buu yiri loo soo celiyo xasiloonida badda cas.
Goobo ay fariisimo ku leeyihiin xuutiyiinta ayaa la weeraray, waxaana jira khasaaro kala duwan oo ka dhashay werarka, iyada oo weli kooxda Xuutiyiinta aysan weli ka hadlin.
Mareykanka ayaa horay liiska waxa loogu yero Argagaxisada ku daray Kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaalanta dalka Yemen, kuwaas oo la sheegay inay taageereyso dowladda Iiraan.



