Dowladda Maraykanka waxay Maanta sheegtay inay aad uga walaacsan yihiin Wararka sheegayo inuu Milliteriga la wareegay Talada dalka Sudan.
Ergayga Khaaska ee Maraykanka ugu qaabilsan Arrimaha Geeska Afrika, Jeffrey Feltman ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin in Dowladdii KMG Awood Milliteri loogala wareegay Talada.
Qoraal uu Bartiisa Twitter-ka soo dhigay Jeffrey Feltman waxa uu ku sheegay inay Tallaabadaasi xagal-daacinayso Bayaankii Dastuuriga ee Xilliga Kala-guurka dalkaasi iyo Rajada Muwaadiniinta Sudan ee Geeddiga Dimuqraadiyada.
Taageeradda Dhaqaale iyo Diplomaasiyadeed ee Maraykanka siiyaan Golaha KMG ee haya Talada dalka Sudan ayaa laha yaabaa in la hakiyey, haddii uu Afgembiga Milliteri meesha ka saaro Xukuumaddii RW Cabdalla Xamduuk.