Manuel Pellegrini ayaa sheegay in ay hubaal tahay in Yaya Toure uu sii joogi karo kooxda Manchester City marka uu yimaado Pep Guardiola xilli ciyaareedka soo socda.
Dad badan ayaa sheegayay in tababaraha cusub ee Manchester City uu Yaya Toure tusin doono albaabka xagaagan marka uu shaqada la wareego- sidii uu hore u sameeyay marka uu joogay Barcelona.
Laakiin xiddiga qadka dhexe ee xulka Ivory Coast, oo 32 jir ah, ayaa uu sheegay tabaraha haatan City inuu sii joogi doono kooxda.
Pellegrini ayaa yiri: “Marka Yaya uusan ciyaareyn, waxaad dareemeysaa inuu maqan yahay Yaya.
“Waxa uu mar walba noqon doonaa ciyaaryahan aad u muhiim ah. Anigu garan maayo waxa dhici doona sanadka soo socda,
Lakiin waa inuu ogaadaa Pep Guardiola in Yaya Toure uu yahay laacibka koox kastaa,
” koox kasta wuu u ciyaari karaa, waxa uu noqon doonaa ciyaaryahan muhim ah – ayuu yiri tabaraha City.