Manchester United Oo Ugu Cadcad Saxiixa 23 Jir Ka Ciyaara Premier League

Manchester United ayaa hogaamineysa loolanka loogu jiro saxiixa daafaca dhexe ee kooxda Burnley Michael Keane, sida laga soo xigtay Daily Mirror.

Warbixinta ayaa sheegtay in Jose Mourinhouu doonayo inuu ku adkeeyo daaficiisa Keane, oo ka tagay Old Trafford, markii uu ku biirayay kooxda Burnley sanadkii la soo dhaafay.

Keane ayaa ka tagay United 2015 markii uu boos ka waayay kooxda koowaad, waxaana uu tan iyo markii uu ku biiray Burnley kamid noqday daafaca dhexe oo la isku hallayn karo.

Waxa uu ahaa mid fantastik markii Burnley xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay ay kasoo baxday Heerka labaad, waxaana uu hadda si raaxo leh kula bilowday Premier League.