Paul Scholes Oo Dib Ugu Laabanaya Manchester United- Miyuu Ciyaari Doonaa?

Halyeeyga Manchester United Paul Scholes ayaa qaadan doona mas’uuliyada kooxda tababarnimo ee kooxda Under 23-Manchester United sida laga soo xigtay Daily Mail.

Warbixinta ayaa sheegtay in United ayaa raadinayaan bedelka Warren Joyce, oo dhawaan qabtay kooxda Championship ku dhibtooneysa ee Wigan Athletic, iyiyadooo hadda isha lagu hayo halyeyga kooxdan Scholes.

kooxda Under-19 jirada ninka Tababaraha u ah ee, Nicky Butt, ayaa hadda ah tababare ku meel gaar ah ee kooxda 23 jirada waxaa isna uu kujiraa ragga u sharaxan in ay bedelaaan Joyce.

Warren Joyce, oo dhawaan ka tagay doorkiisa tababare ee 23 jirada United ka dib 8 sano oo uu joogay kooxda, ayaa guulo waa weyn la gaaray kooxda 23jirada -, laakiin waxa uu haatan go’aansaday in uu raadsado maamulka koox sare.

Paul Scholes ayaa hadda ah qabiir la shaqeeya BT Sport, laakiin waxa uu ka hadlay sida uu u jecel yahay inuu ugu danbeyn noqdo macalin kubadda cagta ah.

41-sano jirkaan ayaa ka fariistay 3 sano ka hor kubadda cagta, isagoo in kabadan 500 kulan oo uu saftay United u dhaliyay 107 gool.