Mirror Football Oo Shaacisay Sadaal Cajiib Ah!

Iyadoo la ciyaaray 11 kulan oo Premier League ah waxaa si rasmi ah hadda loo sadaalin karin koox kaliya in ay tahay mida ugu cadcad hanashada Horyaalka xili ciyaareedkaan.

Ka dib 11 kulan, Liverpool ayaa hogaanka qabatay, waxaana sanadkaan kooxda Klopp ay wataan weerarka ugu fiican ciyaaraha Horyaalka England.

Kooxaha lacagta weyn suuqa geliyay xagaagan halkee loo sadaaliyay dhamaadka Horyaalka? Yaa ku guuleysan kara Premier League? Su’aalahaas ooo dhan waxaa sadaal ka bixiyay dhowr khuburo o ciyaaraha Premier League si weyn ula socda.

Shabakadda MirrorFootball ayaa soo bandhigtay sadaashaan oo ah mid dhinac kasta laga qiimeeyay kooxaha iyo isbedelada heysta.

Liverpool waxaa isku raacay afar fallanqeeye in ay tahay kooxda koowaad ee Horyaaalka hanankarta sanadkaan.

Kooxaha Arsenal, Chelsea Man City ayaa min cod helay halka laba cod ay heshay kooxda dhibaatooneysa ee Manchester United.

Sadaashaan ayaa khuburadu ku qiimeeyeen waxa dhici doonaa marka suuqa furmo iyo kadib sanadka cusub.