Manchester United oo tababare rasmi ah yeelatay

ANKARA, TURKEY - JULY 25 : Logo of Manchester United Football Club is seen in Ankara, Turkey on July 25, 2018. (Photo by Aytac Unal/Anadolu Agency/Getty Images)

Kooxda Manchester United ayaa tababare rasmi ah ka dhigatay Ole Gunnar Solskjaer, waxayna siisay qandaraas saddex sano ah.

Ninkan reer Norway oo 45 jir ah ayaa Old Trafford ku soo biiray bishii Diseembar ee sannadkii hore isaga oo si ku meel gaar ah u badalay Jose Mourinho.

Solskjaer ayaa 11 sano horray ugu soo dheelay United isaga oo u saxiixay gooshii ay Manchester United ku hanatay koobkii Champions League ee sannadkii 1999.

“Waa shaqo aan waligay ku riyoon jiray, si xad dhaaf ah ayaana u maqsuudsanahay maadaama aan helay fursad dheer oon kooxda ku sii hoggaamiyo” ayuu yiri Solskjaer.

“Maalintii u horraysay een imid, waxaan dareemay in uu gurigaygii yahay. Sharaf ayay ii ahayd in aan u soo ciyaaray Manchester United, isla markaasna aan tababarenimo ka billaabo halkan.