Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kormeeray qaar kamid ah Dugsiyada magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar
Kormeerka Madaxweynaha Puntland ayaa daaranaa ukuur gelidda xaaladda Waxbrashada Degmada Qardho, waxaana kormeerka ku wehelinaayey qaar kamid ah Golaha Xukuumadda, maamulka Gobolka iyo kan Degmada iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.
Madaxweyne Deni ayaa kormeerkiisa ka bilaabay Dugsiga Hoose/Dhexe iyo Sare ee Iimaamu Nawaawi oo uu Madaxweynuhu kamid ahaa Aas-aasayaashii dugsiga, waxaana uu ugu horeyn uga mahadceliyey soo dhoweyntii isaga iyo wefti giisa ee taariikhda gashay.
“Sharf gaar ah ayey ii tahay in aan halkaan soo booqdo, waxaan arkaa horumar aad u wayn, waxaan aad uga mahad celinayaa maclimiinta iyo maamulka gacanta ku haya iskuuladan iyo kuwa kale ee magaalada ku yaal, waxaa horumarka ka muuqda guud ahaan degmada Qardho waxaa saldhig u ah horumarka ay dhinaca tacliinta ka gaartay jiil aad u fara badan oo shalay nasoo dhoweeyey aad baan uga mahadcelinayaa”
Sidoo kale Madaxweynaha Dowladda Puntland oo kormeerkiisa sii wata ayaa tegey dugsiga sare ee Sheekh Cusmaan Cumar Shabeel waxaana uu ku amaanay kaalinta uu ka qaatay soo saarista jiil wax badan ka badalay dalka.
“ Waxaan ku faraxsanahay maanta inaan joogo dugsiga Sheekh Cusmaan Omar Shabeel oo ahaa Dugsigii waxbarasho ee ugu horreeyey ee Puntland ka hirgala isaga iyo dugsiga Cumar Samatar Gaalkacyo, waxaana kasoo baxay labadaas dugsi madaxdii iyo dadkii ka sheeganaa Puntland, waxyaabaha Qardho lagu xasuusto waxaa ugu muhiimsan waa xaga tacliinta, tacliintaasna waxaa saldhig u ahaa Dugsiyadaas”
Ugu dambeyn Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kormeerkiisa ku soo gaba gabeeyey Dugsiga Agoomaha ee Qardho halkaas oo uu kulan muhiima kula qaatay ardayda agoomaha iyo maamulka Dugsigaas, isaga oo balan qaaday in si dhow loola socon doono xaaladaa Dugsiga.



