Manchester United Oo Qarka U Saaran Saxiixa Daafac Katirsan Kooxda Barcelona

Kooxda Barcelona ayaa diyaar u ah in ay iska iibiso Aleix Vidal kaasoo aad ay u xiiseyneyso kooxda Manchester United

Manchester United ayaa u dhaqaaqday daafacaan midig ee booska ka waayay kooxdiisa xili ciyareedkii lasoo dhaafay.

Wargeyska lagu magcaabo kickoff.com ayaa shaaca ka qaaday in kooxda Manchester United diyaar u tahay in ay dalab lacag qaali ah ka gudbiyaan daafaca kooxda Barcelona.

warkaan ayaa imaanaya iyadoo Fabinho oo katirsan kooxda Monaco lala xiriirinayay kooxda United,lakiin weli Unitede ayaa umuuqata mid suuqa ugu jirta daafaca cusub.

Barcelona ayaa diyaar waxay u tahay in ay iibiso daafacaan midig ee Aleix Vidal, kadib markii uu ku fashilmay kooxda tan iyo markii uu kaga soo biiray Savilla xili ciyaareedkii hore.