Manchester United oo markaan diirada saari doonta Paulo Dybala

Manchester United ayaa ugu yaraan u dhaqaaqi doonta saxiixa xidiga Juventus Paulo Dybala kaas oo la fahamsan yahay iney isku dhaceen maamulka kooxda, sidoo kalana doonaya inuu isaga guuro magaalada Turin.

Red Devils waxey tijaabin doontaa xagaaga soo aadan baacsiga xidigaha tayada sare leh, shakina kuma jiro in Dybala uu liiska ugu jiro, sidaas darteed Daily Star ayaa qireysa in Jose Mourinho uu xidigaan ugu jiro liiska bartilmaameedkiisa kadib koobka Aduunka.

Xidigii hore Palermo waxey isku dhaceen sidoo kale Massimiliano Allegri taasoo sababtay in qaar ka mid ah kulamada ugu waaweyn ee xilli ciyaareedkaan uu kursiga keydka galo, waxaana ku jirta labadii kulan ee Inter Milan iyo As Roma.

Paulo Dybala wuxuu Juventus kusoo biiray sanadkii 2015, wuxuuna qandaraaskiisa kooxda dhamaanayaa sanadka 2022, taasoo ka dhigan inuu heysto heshiis shan sano ah.