Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Madrid Isco ayaa shaaca ka qaaday inuusan marnaba ka tagi doonin kooxdiisa xagaaga, inkastoo uu soo jiitay kooxaha ka dhisan Premier League.
Arsenal ayaa si joogta ah loola xiriirinayay ciyaaryahanka reer Spain, halka wargeyska Spanish ee AS uu sheegay in Tottenham heshiis amaah ah ku doonatay maalintii ugu danbeysay suuqa kala iibsiga xagaagan
Laakiin markii ay Marca weyddiistay bal inuu ka tago Real Madrid, ayuu yiri: “Maya xaqiiqdiii, labadii sano ee aan dhibaatada badan kujiray xitaa kuma fakirin in aan ka tago halkaan.
Waxaa hadda uiga harsan laba sano qandaraaskeyga Real Madrid waan dhameysan doonaa, kadib waxaan qiimeyn doonaa waxa dhaca ayuu hadalkiisa ku daray.
Mirror ayaa sheegtay in tababaraha Manchester United Jose Mourinho uu isha ku hayo xididgan bisha January inuu kusoo daro kooxdiisa.
Iyadoo 24-sano jirkaan boos joogta ah ka heysan kooxdiisa Real Madrid, haddana waxa uu diiday inuu ka hadlo heshiis cusub inuu u kordhin doono kooxdiisa.


