Kooxda Kubadda Cagta ee Manchester United ayaa ka mamnuucday saxiixooda cusub Ighalo inuu tababarka maanta la qaato Kooxda inteeda kale sababo la xiriira shaki badan oo laga qabo.
Warbaahinta ayaa tebisay in Ciyaaryahanka aan si fiican loogu baarin cudurka Corona Virus ee ka dilaacey,waxaana maamulka Man United ay dalbadeen in baaritaan dheeri ah la mariyo.
Ciyaaryahan Ighalo ayaa seegi kara kulanka weyn ee isbuucan Manchester United la-leedahay Chelsea, waa hadii tababarka labaad ee Caawa uusan qaadan.
Waxaa laga baaray in cudurka Corono Virus uu dhulka dhigo Ciyaartooyda Manchester United Waa hadii Ighalo uu Cudurkaas qabo.