Chelsea oo la wareegeysa Ziyech

Tababaraha Ajax Erik Ten Hag ayaa xaqiijiyay in Hakim Ziyech uu ku dhow yahay inuu ku biiro Chelsea.

Blues ayaa ku dhow inay dhameystirto heshiis 37 milyan ginni ka dib markii ay ku guuldareysteen saxiixa xiddiga heerka caalami ee dalka Morocco bishii lasoo dhaafay.

tababare Ten Hag wuxuu qirtay inuu la yaabay I muddo dheer qaadatay in Ziyech uu ku biiro koox weyn.

Wuxuu usheegay Fox Sports: “Bedelkiisa ayaa yimid. Waxaan fileynay inuu bxii doono bishii january.

Waxaan xaqiiqdii filayay sanadkaan ama laba sano ka hor inuu baxo. Markastana waxay ahayd wax qurux badan inuu sii joogay’.

Waxaan kaliya ku faraxsanahay inaan weli heysan doono isaga ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkaan. ”ayuu hadalkiisa ku daray.