Manchester United oo diiwaanka ku darsatay laacib ka tirsan kooxda Roma!

Naadiga Manchester United ayaa liiska ku darsatay laacibka kooxda AS Roma ee Lorenzo Pellegrini.

Inta aysan lasoo saxiixan Fred, Red Devils ayaa lala xiriiriyay Pellegrini xagaagan.

Macallin Jose Mourinho ayaa xiddiggan doonaya inuu safkiisa khadka dhexe kusoo biiriyo, maadaama ay weli dhibaatadiisa xal u la’dahay United.

22 jirkan ayaa ah mid ka ciyaara khadka dhexe, waxaana Manchester United ay maanka ku heysaa in suuqa kala iibsiga bisha January ay u dhaqaaqdo saxiixiisa.