Manchester United oo bisha January u dhaqaaqeysa saxiixa laacib ka gadoodsan Juventus!

Kooxda kubadda cagta ee Manchester United ayaa isu diyaarineysa saxiixa difaaca kooxda Juventus ee Mehdi Benatia sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Ingiriiska.

Waxaa dhowaanahanba calaamad su’aal ay saarnayd mustaqbalka difaacan, waxaana arrintiisa ay cirka isku shareertay markii uu qirtay inuusan diyaar u ahayn in mar walba uu safka ka maqnaado.

Arsenal ayaa muddo xusul duub ugu jirta Benatia, waxaase hadda diyaar u ah inay dalab ka gudbisana dooneysa United si ay bisha January suuqa kala iibsiga uga soo qaataan.

Tuttosport ayaa sheegay in Red Devils xiisaha ay u qabto difaacan uu yahay mid cad, iyadoo Jose Mourinho uu doonayo difaac dhexe kooxdiisa inuu kusoo daro bisha January.

Kalsoonidii ugu liidatay ee uu difaacyo ku aamino ayaa ku jirta isagoo aanan ku faraxsanayn dhammaan difaacyada dhexe ee uu heysto, waxaana dhacday inuu dhowr jeer is beddello ku sameeyay safkiisa difaaca.

Dhanka Captain-ka Morocco, waxa uu saftay keliya afar kullan oo Serie A ah xilli ciyaareedkan, taasna waxa ay keentay inuu albaabada u furo ku biiritaanka kooxo kale marka suuqa January uu furmo.

Mar uu la hadlayay La Stampa waxa uu sheegay in shaqada kubadda cagta ay u baahantahay in mar walba la qabto, waxaana uu raaciyay inuu doonayo inuu kullamo badan ciyaaro, ama bisha January is beddel imaan doono.

31-jirkan ayaa hoosta ka xarriiqay inuu diyaar u yahay in Juve uu wax walba u sameeyo, hase ahaatee uu eegi doono in ay kooxda iyo macallinkeeda Massimiliano Allegri ay u baahanyihiin.

Suuqa jiilaalka waxaa lka filayaa inuu noqdo mid aad mashquul u noqda gaar ahaan Manchester United oo dooneysa inay saxiixyo cusub kooxdeeda kusoo kordhiso.