Wararkii ugu dambeeyay Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed

Xaalad Siyaasadeed oo aan dageyn ayaa maanta ka taagan Magaalada Baydhabo ee Caasimada KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed ka dib markii Guddiga doorashadda Madaxweyhaha Koonfur Galbeed ay u kala jabeen labo qeybood.

ku dhawaad 15 xubnood oo ka mid ah Gudiga doorashadda ayaa ku dhawaaqay in ay iscasileen oo ay ka tageen shaqaddii ay ka haayeen Guddigaasi ka dib markii ay sheegeen in dowladda Soomaaliya ay Muqdisho ku heysato inta badan xildhibaanada maamulka Koonfur Galbeed.

Jahwareer badan ayaa ka taagan qabsoomida doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed ee ku qorsheysneyd inay dhacdo 17-ka bishan November, waxaana lagu waddaa in maanta ay go’aan gaaraan xubnihii kusoo haray Guddiga doorashadda Koonfur Galbeed.

Wararka laga helayo magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in kulamo kala duwan ay ka socdeen tan iyo saaka, kaasoo looga arrinsanayay xaalada siyaasadeed ee ay gashay Koofur Galbeed.

C/qaadir Shariif Sheekhuna Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa laga sugayaa go’aan inuu ka soo saaro arrinta doorashada haddii dib loo dhigayo iyo haddii waqtigeeda ku dhaceyso, waxaana qudhiisa uu wajahayaa cadaadisyo kala duwan oo ay ugu weyn tahay in Xildhibaanadii Koofur Galbeed ay badankood Muqdisho ku sugan yihiin.