Isbahaysiga uu Mareykanka hormuudka ka yahay ee dagaalka kula jira kooxda dowladda Islaamka ayaa dhaqdhaqaaqiisu ku sii badanayaa gudaha iyo agagaarka magaalada Manbij ee dalka Suuriya.
Magaaladaasi ayaa hadda waxa ay qarka u saarantahay in ay weerar ku soo qaadaan koox fallaago ah oo uu Turkiga taageero.
Manbij ayaa noqotay magaalo ay isha ku wada hayaan xoogag iska soo horjeeda oo dhammaantood ka wada hawlgala woqooyiga dalka Suuriya.
Baraha intarneedka ayaa waxaa indhawaale dhex wareegayay sawirro muujinaya gawaarida gaashaaman ee xulufadan oo ku sugan meel u dhow magaalada Manbij, waxa ayna arrintaasi sii xoojisay warar sheegayay in Mareykanka uu doonayo in uu aad ugu lug yeesho magaaladan oo noqotay goob colaadeed oo haddaba ciriiri ah.
Afhayeen u hadlay xulufadani uu Mareykanka hoggaamiyo ayaa hadda waxaa uu xaqiijiyay in ciidamo badan halkaasi la geeyay.
Waxa uuna intaasi ku daray in ujeedadu ay tahay sidii looga hortagi lahaa falal colaadeed oo halkaasi ka dhaca iyo in diiradda la saaro kooxda dowladda Islaamka.
Manbij ayaa sanadkii la soo dhaafay waxaa kooxadan dowladda Islaamka ka qabsaday fallaago uu Mareykanka horkacayay, waxa ayna arrintaasi ahayd guul muhiim ah.
Basle waxaa xaaladda sii murjiyay xaqiiqada ah in fallaagadaasi ay hormuud u ahaayeen dagaalyahanno kurdiyiin ah.



