Macalinka kooxda Chelsea Ee Aontonio COnte ayaa si weyn loola xiriirnayay inuu ku laaban doono dalka Italy uuna maamuli doono kooxda Inter Milan oo ula diyaar ah dalab mushaar oo aad u qaali ah wuxuuna sheegay in haduu ka tago kooxda Chelsea uu maamuli doono kooxo kale oo yurub ah.
“Maskaxdeyda waxaa ku jira hami ah inaan khibrado kala duwan ka helo wadamo kala duwan iyo dhaqamo kala duwan” ayuu saxaafada u sheegay ka hor kulankooda maanta ee ay la ciyaarayaan West Ham.
“Waxaan filayaa iney cajiib tahay inaad hesho khibradahaan, markii aan ahaa ciyaariyahan, waxaan u soo ciyaaray kaliya labo koox, Lecce iyo Juventus. Haatan waxaan khibrad cajiib ah ku heystaaEngland, horyaal cajiib ah”.
Conte ayaase qirtay iney tahay wax adag inuu noolaado la’aanta qoyskiisa oo wali baaqi ku soo ahaa Italy wuxuuna yiri “Kani waa xili ciyaareedkeygi ugu horeeyay ee aan ku qaato wadan shisheeye, luuqad cusub, dhaqan cusub, gabi ahaanba waa wax ka duwan nolosheydii hore, waa hubaal in halkaan la imaado ma ahan wax sahlan, inaad xili ciyaareed cusub ku bilaabato nolol cusub, meel cusub, xaalad ka duwan sidii hore, waa wax adag”.
“Hadii aad i weydiisaan hadii qoyskeyga ay i tabeen, daacadii waa haa, wey i tabeen, waa wax adag inaan noolaato kalinimo, waxaan noloshaan qariibka ah qaadanayaa anoo kali ah, waxaan rajeynayaa inaan noloshaan la qaato qoyskeyga sanadka danbe”.


