Kooxda Man United ayaa 2-1 guusha kaga qaadatay Tottenham nus dhamaadkii FA Cup-ka haatana kama dambeesta koobkan ayay iska xaadiriyeen.
Mourinho kooxdiisa goolasha ay guusha ku qaateen waxaa u dhaliyeen Sanchez iyo Herrera ayadoo Man United garoonka Wembley ku dubutay naadiga Spurs.
Man United ayaa haatan si rasmi ah u noqotay kooxda Ingiriiska ee Fiinalaha ugu badan imaato koobabka maxaliga gudaha Ingiriiska laga cayaaro.
United haatan 29-Fiinaal oo koobabka maxaliga ah ayay imaaday 20-fiinaal FA Cup iyo 9-fiinaal oo League Cup ah.
Macalin Jose Mourinho kooxdiisa United naadi ka daba hadli karto ma jirto madaama rikoorka imaanshaha Fiinaalaha ugu badan gudaha Ingiriiska ay ka sameeyeen.



