Kooxda Manchester United ayaa diidday 60m euro (£53.9m) oo kooxda Inter Milan ay ku doonaysay inay kula wareegto weeraryahanka kooxdaasi Romelu Lukaku.
Lacagtaas ay Inter Milan soo bandhigtay ayaa aad uga hoosayso midda ay Man United ku qiimaysay 26-jirkan u dhashay waddanka Belgium, kaas oo ay laba sanadood ka hor £75m ay kaga soo iibsadeen kooxda Everton.
Lukaku ayaanan dheelin ciyaarta ay Man United 1-0 uga badisay kooxda Inter Milan, taas oo uu maamulo tababare Antonio Conte oo ku celiyay in weerraryahanka uu yahay bartilmaameedka koobaad ee kooxdiisa.
Waxaan u arkaa inuu yahay ciyaartoy wax ka badeli kara kooxdayada,” tababaraha Inter ayaa sidaasi sheegay.
Taasi waa sida aan jeclahay oo aan rajaynayo, dhanka kalana waxaan eegi doonaa waxa kooxda ay inoo hayso.
“Sax ma ahan in aan xilligan ka hadlo ciyaartoygaas sababtoo ah waxa uu u dheelaa Manchester United waana sababta ay tahay in xushmad wayn u muujiyaa kooxda, ciyaartoyga iyo ciyaartoygaygaba.”