Dhageyso:-Kulan la isugu yeeray musharixiinta Madaxweynaha Jubbaland

Guddiga doorashooyinka Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa Maanta oo Axad ah waxa ay ku dhawaaqeen inay kulan wadareed u qabanayaan Xubnaha u taagan u tartamida xilka Madaxweynaha Jubbaland.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee xaduudaha & doorashooyinka Jubbaland ayaa sheegay in wadatashi ay sameeyeen kadib ay go’aamiyeen in ay kulan xog wareysi ah la yeeshaan Musharixiinta Madaxweynaha Jubbaland.

Waxa uu ka dalbaday in musharixiinta ay ugu yimaadaan Xarunta Guddiga si ay uga tashadaan mad madowga ay ka cabanayaan musharixiinta Madaxweynaha Jubbaland.

Hadalka Guddiga doorashada Jubbaland ayaa kusoo aadaya xilli musharixiin dhowr ah oo la magac baxay isbeddel-doonka Jubbaland ay shaaciyeen inay kalsoonidii kala laabteen guddiga doorashada,isla markaana u arkaan inay u xaglinayaan dhinaca Axmed Madoobe Madaxweynaha Jubbaland.