Fursadaha Manchester United ee ay kula soo wareegeyso ciyaryahanka kooxda Borussia Dortmund Jadon Sancho inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan waxaana laga yaabaa inay ka sii darto sabab la xiriirta cudurka dillaacay ee coronavirus.
Xiddiga heerka caalami ee dalka England – oo loo maleynayo inuu ku ku kici karo lacag dhan 120 milyan ginni – ayaa weli si xoogan loola xiriirinayaa inuu isaga tagi doono kooxda Bundesliga.
United ayaa loo arkaa inay tahay kooxda kaliya ee dooneysa 19 jirkaan, laakiin sida laga soo xigtay The Mirror, Red Devils waxaa lagu qasbay inay dib u qiimeyso qarash gareynteeda xagaaga sabab la xiriirta cudurka faafa ee coronavirus.
Warbixinta ayaa sheegeysa in mas’uuliyiinta ugu sareysa qaar ka mid ah naadiyada ugu waa weyn kubada cagta Ingariiska ay ka cabsi qabaan in ay dhici karto dib u dhac hadii ay ku qarash gareeyaan lacag badan marka uu furmo suuqa kala iibsiga soo socda.
Tababaraha United Ole Gunnar Solskjaer ayaa la sheegay inuu rajeynayay inuu ku qarash gareeyo 200 milyan ginni seddex ciyaaryahan oo cusub intii uu furnaa suuqa kala iibsiga xagaagaan.
Si kastaba ha noqotee, naadiyada Ingariiska hogaaminaya ayaa haatan umuuqda inay ka warqabaan in baaritaan lagu sameyn doono marka isboortiga ugu dambeyntii uu soo laabto ka dib bilooyin loolan looga soo horjeedo cudurka adduunka dhibay ee Carona uu sameeyay.